|
Mogadishu - 10-Oct.2007-Allceeldheer.com- Tartan
dhinaca culuumta diinta islaamka oo ay soo qaban qaabiyeen Jameecada
Sheekh Daauud Culusoow ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyay Masjidka
Macalin Dhiblaawe ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, iyadoo
lagu bixiyay hadiyado qaali ah ardeydii gashay kaalimaha koowaad
iyo ;labaad.
 |
| Culuma
udiin uu kamid yahay Sheekh Cimsaan Xidig oo garsoorayay tartanka
|
Tartan
kaan oo ay qeybgaleen in ka badan ka badan 100 ardey ayaa saakay
la soo afjaray, iyadoo munaasabadii lagu xirayay ay ka soo qeybgaleen
culuma udiinka ugu waaweyn Somalia sida Sheekh Abbe, Sheekh Cismaan
Xidig iyo kuwo kale oo fara badan.
 |
| Culuma
udiin badan oo ka soo qeybgalay xirirtaanka tartanka
|
Tartankaan
oo ay soo agaasimeen Jamceecada uu hogaamiyo Sheekh Cismaan Sheekh
Cumar (Sheekh Cismaan Xidig) ayaa waxa uu soo socday muddo 5 maalmood
ah maalmood ah,iyadoo inta uu socday lagu tartamayay in ka badan
30 kutub oo ka kooban qeybaha kala duwan ee cilmiga diinta islaamka.
Tartankaan
ayaa waxaa ku loolamayay ardey isugu jirta wiilal iyo gabdho ka
kala timid qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho iyo gobolada
dalka.
 |
| |
 |
| Sheekh
Abba oo ka soo qeybgalay gabagabadii tartan dhinaca diinta islaamka
oo ka dhacay Masjidka Macalin Dhiblaawe |
Xiritaankii
tartankaan ayaa waxaa hadalo ka jeediyay culuma udiin culuma udiin
Somaliyeed oo aad u fara badan.
Allceeldheer
news Desk Mogadishu
Contact us E-mail: allceeldheernews@yahoo.com
|