| Halkaan
ka dhageyso qudbadihii laga jeediyay munaasabadda Dhagax Dhigga
Dugsiga sare ee Ceeldheer.
BARASHADA
DIINTA ISLAAMKA EE SOOMAALIYA OO GAARTAY IN KUTUBADII CILMIGA LOO
XAFIDO SIDA QURAANKA.
Mogadishu - 07-Oct.2007-Allceeldheer.com- Guddoomiyaha
degmada Ceeldheer Xuseen Maxamuud Cosoble ayaa dhagax dhigay dhisme
dugsi sare oo markii ugu horreysay laga hirgalinayo degmada Ceeldheer
ee gobolka G/gaduud ee Bartamaha Somalia.
 |
| Guddoomiyaha
degmada Ceeldheer oo dhagax dhigaya dhismo dugsi sare oo laga
hirgalinayo degmada Ceeldheer |
Munaasabadii
dhagax dhigga dugsiga sare ee degmada Ceeldheer ayaa waxaa ka qeybgalay
qeybaha bulshada ee ku dhaqan degmadaasi, kuwaasi oo ay ku jiraan
odayaal caan ka ah degmadaasi, culuma udiin, haween iyo xubno fara
badan oo ka tirsan maamulka degmadaasi oo uu horkacayo Guddoomiyaha
degmada Ceeldheer Xuseen Maxamuud Cosoble
 |
| Odayaasha
degmada Ceeldheer oo munaasabadda dhagax dhigga ka dib u duceynaya
Jaaliyadaha dibadda ee ka soo jeeda dibadda oo suurto galiyay
dhismaha dugsigaasi |
 |
| Guddoomiyaha
xiriirka Jaaliyadaha ee maamulka degmada Ceeldheer, Max'ed Axmed
Balli |
Munaasabadda
dhagax dhigga dhismaha dugsiga sare ee degmada Ceeldheer ayaa ugu
horreyntii waxaa ka hadlay guddoomiyaha guddiga xiriirka Jaaliyadaha
ee maamulka degmada Ceeldheer Max’ed Axmed Jimcaale (Balli
Gaaxsane) isagoo ka war bixiyay dhismaha dugsiga Ceeldheer iyo cidda
suurto galisay in degmada Ceeldheer ay hesho markii ugu horreysay
dugsi sare, waxa uuna tilmaamay in jaaliyadda ka soo jeeda degmadani
ay yihiin kuwa surta geliyay dhismahani wuxuna si gaar ah ugu mahad
celiyay jaaliyada ku nool landon oo uu sheegay inay hormuud ka ahaayeen
howshani
 |
| Muxudiin
Sheekh Axmed Caraay (Muxudiin Sheekhaal) oo ku hadlaya magaca
odayaasha degmada Ceeldheer |
Sidoo
kale waxaa munaasabaddaasi ka hadlay Muxudiin Sheekh Axmed Caraay
(Muxudiin Sheekhaal) oo ku hadlayay magaca Odayaasha degmada, waxa
uuna sheegay in maanta awoodi Karin in uu hadlo farxad aawadeed,
waxa uuna hadalkiisa ku soo koobay Mahad celin balaaran oo uu u
soo jeediyay jaaliyadaha ka soo jeeda degmadaasi, waxaana wajigiisa
ka muuqaneysay Farxad saa’id ah, iyadoo indhihiisana ay ilimo
ku soo joogsadeen.
Dadkii
kale ee ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Cali Culusoow, (Cali Madax),
Abuukar Feeroole, Xasan Colaad iyo kuwo kale.
 |
| Madiino
Cad iyo Xaliimo Xasan Sheekh Axmed Caraay oo ka mid ah haweenka
degmada Ceeldheer oo matalaya haweenka degmada Ceeldheer |
Madiino
Cad oo ka mid ah haweenka degmada Ceeldheer oo ku hadashay magaca
haweenka ayaa u mahad celisay jaaliyadda suurto galisay dhismaha
dugsiga sare, waxa ayna muujisay sida ay ugu faraxsan tahay in marka
ugu horreysa degmada Ceeldheer ay hesho dugsi sare.
 |
| Guddoomiyaha
degmada Ceeldheer, Xuseen Maxamuud Cosoble oo u mahad celiyay
Jaaliyadaha suurto galiyay dhismaha dugsigaan, iyadoo dhinaciisa
ay taagan yihiin Abuukar Feeroole iyo Cali Madax.
|
Guddoomiyaha
degmada Ceeldheer, Xuseen Max’ed Cosoble oo ugu dambeyntii
Munaasabaddaasi ka hadlay ayaa muujiyay ahmiyadda uu dugsigaan sare
u leeyahay degmada Ceeldheer, waxa uuna si gaar ah ugu mahad celiyay
jaaliyaddaha suurto galiyay dhismaha dugsigaan, waxa uuna ka codsaday
in dadaalka ay sii wadaan ilaa laga helo heerka jaamacadda degmada
Ceeldheer, isagoo sheegay in maamulkiisa uu gacan buuxda ka geysan
doono wax allaale iyo wixii lagu hormarinayo degmada Ceeldheer.
 |
| Odayaal
iyo haween ka soo jeeda degmada Ceeldheer oo taagan goobta dhagax
dhigga dhismaha dugsiga sare ee degmada Ceeldheer |
Goobta
munaasabadda ay ka dhaceysay oo aheyd halka laga bilaabay dhismaha
dugsiga sare oo dhinaca ku heysa dhismihii dugsiga hoose dhexe ee
degmadaasi isla markaana jawiga uu ahaa maalin aad u kulul ayaa
odayaahsha iyo haweenka degmada iyo xubnaha maamulka waxa ay u soo
lugeeyeen goobta laga dhisayo dugsigaasi si ay u muujiyaan sida
ay ugu faraxsan yihiin degmada Ceeldheer oo yeelata dugsi sare markii
ugu horreysay.
Dhulka
la doonayo in laga dhiso dugsiga sare ee degmada Ceeldheer ayaa
dhinaca waqooyi waxa uu kaga dhagan yahay dugsigii hore, waxa uuna
ku fadhiyaa dhul cabirkiisu yahay 40X40 Mitir oo isku weer ah.
Abaabulka mashruucan lagu hirgelinayo dugsiga sare
ee Magaalada Ceeldheer ayaa biloowday bishii aprill ee sanadkan
kadib markii jaaliyada dibada ee magaalada ay isla garteen in la
hirgelyo mashaariic horumarineed oo uu ugu horeeyo dugsiga sare
ee maanta dhagaxa la dhigay, waxaana xigu doona hadii Alle idmo
talaabooyin kale oo kor loogu qaadayo horumarka magaalada Ceeldheer,
Miisaaniyada ku baxaysa dhismahaan ayaa waxaa ku deeqay magaalada
qaar ka mid ah jaaliyadaha Ceeldheer ee UK, iyadoo jaaliyadaha harsan
oo isugu jira qaar aan weli la gaarsiin ololahan & kuwa dibada
oo iyagana dhawaan la filayo in ay ka soo qayb galaan Mashaariicda
horumarinta ee magaalada Ceeldheer, Masuuliyiin ka tirsan waxgaradkii
u istaagay howashan oo nagula soo xiriiray qadka talefanka ayaa
u mahadceliyay dhamaan dadkii gacanta ka geystay mashruucan taariikhiga
ah iyo kuwa dhiman intaba iyagoo ku amaanay sida wadaninimada &
xilkasnimada ah ee ay howshaan uga soo dhalaaleen,
 |
| Indho
Geelle oo ka mid ah maamulka degmada Ceeldheer |
 |
| Dhisme
Dabaq ah oo magaalada Ceeldheer uu ka dhisanayo mid ka mid ah
jaaliyadaha dibadda |
 |
| Muuqaalka
degmada Ceeldheer, xilli uu ka da'ay roob |
War
bixintaan muuqaalka wadata waxaa Ceeldheer ka soo direy Wariye Mowliid
Max'ed Sabriye
Halkaan
ka dhageyso qudbadihii laga jeediyay munaasabadda Dhagax Dhigga
Dugsiga sare ee Ceeldheer.
BARASHADA
DIINTA ISLAAMKA EE SOOMAALIYA OO GAARTAY IN KUTUBADII CILMIGA LOO
XAFIDO SIDA QURAANKA.
Allceeldheer
news Desk Mogadishu
Contact us E-mail: allceeldheernews@yahoo.com
|